Dhageyso+Sawiro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Baydhabo

0
283

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan sheikh aadan ayaa maanta isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo ku booqday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Mudane Shariif Xasan sheikh aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Mas’uuliyiinta  isbitaalka Magaalada Baydhabo kala sheekeystay xaaladaha dhaawacyada jiifa isbitaalka ee kusoo dhaawacmay weerarkii qaraxyada loo adeegsaday ee ka dhacay Gudaha Magaalada Baydhabo galinkii dambe ee shalay.

Dhanka kale Maamulka Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa madaxweynaha ku wargaliyay in qaar kamid ah dhaawacyadii la keenay isbitaalka dib loogu celiyay guryahooda balse ay jiraan dad kale oo wali qaba dhaawacyo helis .

Maamulka Isbitaalka Baydhabo waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan dad qaba dhaawacyo helis ah loona baahan yahay in loo qaado dalka dibadiisa si wax loogu qabto xaaladahooda caafimaad madaama qaraxyada ka dhacay Magaalada Baydhabo ay waxyeelo gaarsiiyeen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan sheikh aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uu garab taagan yahay dadka ku dhaawacmay qaraxyada isla markaana dadka wax loogu qaban waayay dalka Gudihiisa loo qaadi doono dalka dibadiisa.

101_0501 (copy) 101_0514 101_0507 101_0507 (copy) 101_0506 101_0505 101_0502 101_0515 101_0516 101_0518 (copy)(1) 101_0525 (copy) 101_0527 (copy) 101_0528

Idale Nes

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here