Daawo: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtey Magaalda Baydhabo

0
713

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-4-2016 dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, kadib markii uu Mudo labo  todobaad ah ee u dambeysay  isla markaana safar shaqo ku tagey  Magaalada Rome ee dalka taliyaaniga iyo weliba dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayey oo saaka ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenaya ayaa si habsami leh loogu soo dhaweeyey Garoonka Shaati gaduud ee Baydhabo.

Waxaana soo dhaweynta Madaxweynaha ka qeyb-qaatay maamulka Gobalka Bay, maamulka degmada,  Odayaasha dhaqanka , Wasiiro, iyo weliba Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadden kula hadlay Mas’uuliyiinta ayaa waxaa uu uga mahadceliyey soo dhaweynta qiimaha leh ee ay u sameeyen, waxaana uu bogaadiyey  horumar iyo nabad galiyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo

010203

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here