Daawo:Madaxweynaha KGS Oo Dhegax Dhigey Cusbitaalka Dhimirka Ee Baydhabo

0
245

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, xubno ka tirsan Gollahiisa Wasiiradda , Maamulka Degmada Baydhabo iyo Sidoo kale Maamulka Gobolka Bay, Ee DF Soomaaliya Ayaa maanta Sheegey in ay Jirto Baahi aad u weyn oo ku aadan Isala markaana ay u qabaan dadka Dhimirka La’ ee Ku Nool Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

shariif

Madaxweynha Dowlada Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.  Ayaa Maanta Dhex dhigey Cusbitaalka weyn oo wax looga qaban doono dadka dhimirka la’ee ku Nool Guud ahaan Degaanada ay ka taliso Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona Sheegey in wax weynay  uu ka tari doono caafimaadak iyo daryeelka dadkaasi.

Ugu Horeyn Munaasabada Dhex dhiga Ee cusbitaalka Dhimirka Ee Baydhabo waxaa ka hadley Aweys Saalad Dugow Oo ka mid Gudiga Dan wadaag Ee Fulinayo Mashruuca lagu dhisayo Cusbitaalka Dhimirka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo waxa ka jiraa Gudiga  la yiriahdo Dan wadaag oo Ka kooban Qiibaha kala Gedisan ee Bulshada Baydhabo, Mushruucan fulintiisu waxa aynu soo  daadi’ineyney mudo hal sano iyo bar  waxaana Ku kacayso aduun dhan $330,000″ayuu yiri Aweys Salaad Dugow.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Bay, Dr. Cabdi Aadan Hoosow Ayaa waxa uu isna Sheegey in arintan ay  tahay mid guul ah isla markaana wax weyn  ka bedeli doonto Noolasha iyo Daryeelka dadka Dhimirka la’ee ku dhaqan KGS” Hooshan waxay ka mid  tahay, shaqada Ka Socoto Gobolka Gaar ahaan Degmada Baydhabo,1.8million USD oo Hay’ada DDG  ay ugu tala gashey in lagu hormariyo degmada Baydhabo waaye, waana shaqo soo socotey mudo dheer, hay’adah ka howlgalo Baydhaboa ayaan u sheegney mar hore  in iyagu  lacagda keenaan Anaguna  fikirka aynu keeno” Ayuu yiri Dr, Aadan Hoosow Ee Gudoomiyaha Gobolka Bay.

Wasiirka Caafimaadka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Isxaaq Subug ayaa Amaaney Howlasha ay wadaan Gudiga Danwadaag ee Ka jira magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Ugu dambeyntii, waxaa ka halkaasi ka hadley madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaana baaq u direy buslshada KGS  ”  Waxaan u mahadcelneyaa Gudigii iyo  Hay;adihi maal galinayo Cusbitaalka Dhirmarka Ee Baydhabo, Daryeel Alle Aya iska leh,  waxaana Filayaa in Wax weyn ka bedeli doono Cafimaadka Dadka  dhimirka La” Ayuu yir Madaxweyne Sharif Xasan.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here