Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-6-2016 dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, kadib markii uu Magaalada Muqdisho ugu qiib galey Shirka Madashada Wadatashiga Qaran Ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wefdigiisa ayaa si habsami leh loogu soo dhaweeyey Garoonka Shaati gaduud ee Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Waxaana soo dhaweynta Madaxweynaha ka qeyb-qaatay maamulka Gobalka Bay, maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka , Wasiiro, iyo weliba Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadden kula hadlay Mas’uuliyiinta ayaa waxaa uu uga mahadceliyey soo dhaweynta qiimaha leh ee ay u sameeyen, waxaana uu bogaadiyey horumar iyo nabad galiyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Wariye Abshir Maxamed Nuur,Idale News Online, Baydhabo