Daawo: Madaxweynaha KGS Oo Xariga Ka Jarey Terminal-ka Cusub Ee Garoonka Dr. Shaati Ee Baydhabo

0
222

Baydhabo(INO)- Madxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Furey Terminal-KA Cusub Ee Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati Guduud Ee Magaalada Baydhabo.

MunaasabadA Waxa Ka Soo qiib Galey, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mr. Cali Jaamac Jangali,  Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Ee Soomaaliya Ee U fadhiya Baydhabo Mr. Vekram,  Saraakiisha AMISOM, Wasiirka Gadiidka Iyo Garoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/laahi Black, Xilhdibaano iyo Wasiiro iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Amaanay  Ganacsatadii ka qiib Qaatey Dhismaha Terninalkan Cusub ee Garoonka Dr. Shaati Gaduud Ee Magaalada Baydhabo, isagoona ugu baaqay In dib u dhisyo ay sameeyaan Degaanada KGS.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Jangali oo halkaas ka hadleya yaa sheegey in 7 Garoon oo Ku yaallaan Gobolka Dalka Loo dhisaayo Si casriyeysan isla markaana waxa uu xusey in ay hawlan yihiin sidii gacanta Dowlada Soomaaliya looga soo celin lahaa Maamulka Hawada Sare.

Halkan Ka Daawo Video

0102030406070809