Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta xaflad sagootin ah u sameeyey, taliskii hore ee ciidamada itoobiya ee gobolada Bay, Bakool iyo Gedo General Gebra, isagoona shir gaar ah la yeeshey taliyaha ciidanka itoobiya ee cusub.
Ka dib markii soo idalaadey kulan ayaa waxa saxaafada la hadley Afhayeenaka Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdi qaadir Nadaara” Madaxweynahu waxa maanta Qasriga Madaxtooyadda ee KGS qado ugu sameeyey Saraakiisha Ciidamada Itoobiya,oo ugu hooreeyo taliyaha ciidanka hada la bedelaayo, madaxweynaha KGS waxa uuna shahaado Sharaf siyey Taliyihii ciidamada AMISOM ee itoobiya, isagoona qiib lixaad leh ka geysey Xasiloonida Goboladda Koonfurta Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Nadara.
Dhan kale, war saxaafadeed Ka Soo Baxay, Xafiiska Madaxweynaha dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu cambaareyey Weerarkii Maanta Lagu qaadey, Saraakiil ka tirsan Qaramadda Midoobey ee Magaaladda Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
“ war saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa lagu cambaareyey, Weerarkii Maanta Ka dhacey xaruntii QM ee magaalada Garowe, Madaxweynahu waxa uu tacsiyeeyey dadkii ku wax yeeloowey oo isugu jirey Soomaali iyo Ajaanib, wuxuuna ku baaqaya in si wada jir ah looga wada shaqeeyo loogana hortago kuwaasi oo dhibaatadda dadka u geysanaayo, sidoo kale madaxweynahu waxa uu tacsiyo u direy ciidamadii AMISOM ee shaley lagu weerarey Inta u dhexeyso Yaag-Beriweyne iyo Degmadda leego iyadoona AMISOM ay sheegtey in weerarkaasi loogu diley seddex ka mid ah Ciidamadooda , Madaweynuhu aad ayuu ugu xun yahay Falkaasi” Ayuu yiri Cabdi qaadir Nadaara.
Halkan Ka Daawo.
Ugu dambeyntii, Dhawaan ayey ahayd ka dib markiii xaflad wey lagu qabtey, xarunta AMISOM ee Magaalada Baydhabo isla markaana La sheegey in lagu kala bedelaayo ciidamada itoobiya iyo Saarkiisha.
Idale News Online, Baydhabo