Daawo: Madaxweynaha KGS Oo Maanta Daah Furey Kalfadhiga 1aad BKGS

0
196

Baydhabo(INO)- Baarlamaanka Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kulanka 1aad Kalfadhigiisa 1aad ee Baarlamaanka KGS.

04

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa khudbad dheer ka jeediyay Shirka,waxaana uu ka hadlay dhinacyo ay ka midyihiin;Amaanka,Horumarka,dib u dhiska,Garsoorka iyo iskaashiga Bulshada.

Waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu dhawaan dhisayo hay’adaha Garsoorka si ay uga caawiyaan dhameystirka howlgal uu shegay in ay Ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM ka billaabayaan Gobollada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Koofur Galbeed C/Qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa isna ka hadlay Kulanka kowaad ee Baarlamaanka Koofur Galbeed,waxaana uu wada shaqeyn rasmi ah ugu baaqya Xildhibaannada Maamulka Koofur Galbeed.

Halkan Ka Daawo

https://fbcdn-sphotos-c-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xfl1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-c-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xfl1/v/t1.0-9/

01

02

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here