Garowe(INO) Duhurnimadii maanta waxaa magalo madaxda Puntland ee Garowe soo gaaray wafdiyo kala duwan oo ay hoggaaminayaan madaxwaynayaasha mamuladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe, iyo Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Labadaan madaxwayne waxaa garoonka diyaaradaha magalada Garowe kusoo dhaweeyay madaxda ugu saraysa dowladda Puntland ee Soomaaliyeed,dadwayne boqolaal gaadhaya oo ku labisan calamadda,Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Puntland.
Soo dhawaynta ka dib waxaa loosoo galbiyay aqalka madaxtooyadda Puntland, halkaasoo warbaahinta hadalo kooban ku siiyeen.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo hadalka ku horeeyay ayaa kusoo dhaweeyay masuuliyiintan Caasumadda, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshadooda.
Madaxwaynayaasha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo labadooduba hadalo kooban siiyay warbaahinta ayaa marka hore ka mahad celiyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Garowe, waxa kale ay sheegeen inay u yimaadeen Garowe ka qayb galka wajiga labaad ee shirka arrimaha Soomaaliya oo lagu wada galinka danbe ee maanta inuu furmo.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, wadooyinka soo gala laamiga dheer ayaa waxaa lagu arkayay ciidamo faro badan iyo gaadiidka dagaalka, madaxdan ayaa sida Puntland Post heshay Garowe joogayaan mudo saddex cisho ah oo maanta ka bilaabanaysa.
Horay waxaa u soo gaaray wafdi kale uu hoggaaminayo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.
Idale News Online, Garowe