Daawo: Madaxweynaha KGS Iyo Beesha Biimaal Oo Caawa Kullan Xasaasi Ah Ku Dhexmarey Madaxtooyada

0
238

Baydhabo(INO)- Kulankaani oo ah mid saacado qaatey ayaa caawa wuxuu ku dhex maray xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed madaxweynaha dowladda gobleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan sheikh Aadan, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi, Nabad-doonka Guud ee Beesha Ismiin ee Biimaal, Samadoonada iyo qaarka mid ah siyaasiyiinta beesha Ismiin ee Biimaal.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Nabad-doonka Guud ee Ismiin ee Biimaal Nabad-doon Maxamed Cumar C/Laahi ( Fanax ) oo sheegay in saxiixaha Beesha Ismiin ugu jira 135-ta oday dhaqmeedka inuu sameyey iska horkeen beesha dhexdeeda isaga oo danta uu ka leeyahayna ay tahay inuu xildhibaan mar kale uu ka dhigto wiilkiisa uu dhalay Xildhibaan hore C/Laahi Aw-yare Abshirow.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Samadoon C/Kaamil Maxamed Yacquub oo tilmaamey in nabad-doonka beesha Ismiin ugu jira saxiixayaasha 135-ta u soo gudbiyey ergo uusan cidna kala soo tashan ayna ka turjumaynin awood qeybsiga beesha ismiin ee Biimaal.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya  Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ergo aysan soo gudbin samadoonada Beesha islamarkaana uu soo gudbin nabadoonka guud ee beesha Ismiin ee Biimaal uusan soo gudbin Karin saxiixa beesha haddii ay dhacdayna ay tahay ergada lasoo gudbiyey mid wax kama jiraan ay tahay beesha Ismiin laga doonayo inay soo saxdo qaladaadka jira.

Dhinaca kale Nabadoon-ka Guud ee beesha Ismiin Nabad-doon Mxamed Cumar C/Laahi wuxuu kulamo kala duwan uu la qaatey wakiilka beesha caalamka u qaabilsan koonfur galbeed, IGAD iyo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban ee koonfur galbeed ee Soomaaliya mudane Maxamed C/Laahi Mursal oo cadeeyey in ergada lasoo gudbiyey ay tahay mid aan la aqbali Karin mar haddii aan lagala soo tashan Nabadoon Fanax iyo Samadoonadiisa oo ka mid ahaa nabadoonadii soo dhisay dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya islamrkaana dhigooda loo soo daadiyey.

Ugu dambeyntii, Dhamaan qeybaha kala duwan ee beesha Ismiin ee Biimaal ayaa si isku mid ugu eedeeyey Cumar Abshir Cumar Cali ( Aw-yare Abshirow ) in kala qeybin iyo iska horkeen uu ku dhex haayo beesha uu isaga ka dhashay taasi muujinaysa inuu yahay mid aan ka fekeraynin beesha uu wakiilka ugu yahay 135-ta oday dhaqmeedyada Soomaaliyeed.

Halkan Ka Daawo Sawiro

01020304