Daawo: Madaxweynaha Dowladda KGS Oo Kulan La Yeeshey Xoghayaha Dallada Islaamka Ee Aduunka

0
264

Jiddah(INO)- Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo  Ku Sugan Magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarama ayaa kulan La Yeeshey Xoghayaha Guud Ee Dalladda Islaamka Aduunka Dr.Cabdalla Binu Muxsin Al-turki.

shariif xasan iyo carabta

Kulankaasi waxa kale Goob joog ku ahaa Madax ka tirsan dallada Islaamka ee Aduunka,Agaasimaha guud ee Hay’adaha iyo ururadda Islaamka ee Boqortooyadda Dalka Sacuudi Carabiya Ka Dhisan.

Dhanka kale, Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan Waxa Weheliyey Wakiilka Ururka Mutamarka ee Caalamka Islaamka Ee Xafiiska Soomaaliya Iyo Wadamada Geeska Afrika, Ahna Xubin Ka Tirsan Gollaha Fullinta Ururkaasi, Ex. Xildhibaan Cismaan Buube Yuusuf Rooble, Axmed Cumar( Axmed Bawaafid), Ku Xigeenka ururka Mutamarka Caalamka Islaamka ee Soomaaliya, Daa’uud Maxamed Lagayare, Wakiilka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Dalka Sacuudiga, Cismaan Jibriil Jeelle, Xoghayaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya, Nuur Siidow Ibraahim, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Dowladda KGS, Boollo Abuukar Xuseen, Gudoomiyaha Haweenka Sacuudig Carabiya ahna Wakiilka Wasaaradda Haweenka Iyo Xaquuqul insaanka Ee Dowladda KGS Soomaaliya ee Dalka Sacuudig Carabiya iyo weliba Mudane Mayow Cabdalle Shiidle.

Ugu dambeyntii Kalanka Ayaa waxa Looga Hadley Sidii ay u wada Shaqeyn Lahaayeen Ururada Islamka Soomaaliya iyo kuwa Boqortooyadda Dalka Sacuudi Carabiya.

Halkan Ka Daawo.


Idale News Online, Jiddah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here