Daawo: Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Amaaney Geeda Socodka Nabada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
196

Baidoa(INO)- Wakiilka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dalka turkiga  u fadhiya  Maxamed C/laahi Hilowle oo dhinaca Paratacolka iyo hagida u xilsaarnaa wefdigii Shirka Istanbul ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya hogaaminayey ayaa wuxuu warbaahinta u sheegey in Madaxweynaha Dalka Turkiga uu Aad ugu dheeraadey Amaanta Dowlada KGS qaabkii loo dhisey Hay’ada Kala Kuwaan Ee KGS  iyo Weliba Baarlamaanka maalmihii shirka Istanbul.

Maxamed  C/laahi Hilowle wuxuu sheegey in  Madaxweyne Ordagan uu Maamulada kale ee shirka ka qeyb galay ugu baaqey iney wax ka bedelaan oo ay ku daydaan Dowlada KGS asagoona ula jeedey Qaabka loo dhisey ay loo qeybiyey Xubnaha  Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Shirkii Istanbul ama shirarakii ka dhacay Magaalada Istanbul waa kuwo ka daacad tahay dowlada Turkiga & Shacbigeeda, waxaanu dhihi karnaa turkiga  waa Dowlada Keliyah Anagoo aduunka oo dhan indhaha naga wada laabteen ay gacan walalnimo noo fidisey hadii aanu nahay soomaaliya” ayuu yiri Wakiilka KGS.

Si kastaba ha ahaatee Maxamed C/laahi Hilowle wuxuu amaan iyo bogaadin aan la ilaabi karin ujeediyey oo shirkaan inuu qabsoomo ka shaqeeyey waqti badana geliyey ayuu yiri Safaarda soomaaliya ee dalka Turkeya siiba Safiirka Iyo Qunsulka oo arinkaan usoo jeedey Habeen iyo Maalin

Ugu dambeyntii, Dowlada Turkiga waxay ka mid tahay dowladaha Taagyeera Dowlada Soomaaliya, iyadoona Dalka soomaaliy ay ka hergalisey Mashriic kala gedisan tan iyo Sanadkii 2011.

Halkan Daawo Sawiradda.

Idale News Online, Baidoa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here