Daawo: Madaxweyanaha KGS Oo Maanta Madaxtooyada Ku Qaabiley Xildhibaano Ka Tirsan Dowladda Kenya

0
575

Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeeed Soomaaliya 3 Xilibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Kenya isla markaana oo uu hogaaminayay Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Difaaca Baarlamanka Dowlada Kenaya Xildhiaan Mr. Ilyaas Barre Shiil.

Wefdiga Waxey kulan Madaxtooyada Koonfur Galbeed kulan ay ku qaateen Madaxweynaha Dowlada Konfur Galbeed Mudane Shariif Xassan, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah labada Golle ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka Madaxda Koonfur Galbeed iyo xilibaanada Dowlada Kenya ka socday waxaa saxaafada si wada jir ah ula hadlay Wasiirka Warfaafinta Konfur Galbeed iyo Wacyi-Galinta Bulshadda Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo Xilibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah Xilibaanada Dowlada Kenya.

Wuxuu sidoo kale Xilibaan Ilyaas Barre Shiil uu ka hadlay go’aankii dhawaad Dowlada Kenya ay qaadatay ee ahaa in ay xireyso Xiryaha qaxootiga ee ku yaal dalkaasi Kenya.

Wefdiga ayaa waxay Booqadeen Xarunta Radio Dowlada Koonfur Galbeed,Xarunta Wasaaradaha iyo weliba Isha Baydhabo iyagoona indha indhayeey Guud ahaan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Ugu Xilibaanada ka tirsan Baarlamanka Kenya ee maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa ka kooban gudiga difaaca iyo arimaha dibadda ee Baarlamanka Dowlada Kenya.

Halkan Ka Daawo

IMG_8279IMG_8282

IMG_8288

IMG_8301IMG_8306IMG_8310IMG_8312IMG_8347

IMG_8327IMG_8368IMG_8447

Isha Sawiradda: Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi-Galinta Bulshadda KGS

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here