Madaxwaynaha maamulka Ximan iyo xeeb ayaa ka hadlay saxiixiisa oo lagu been abuurtay iyadoo ay villa Somalia madaxda DF Somalia ka sheegeen in saxiixayaasha heshiiska lagu dhisayo maamulka g/dhexe ay ka mid tahay Ximan iyo xeeb
Dhinaca kale waxaa magaalada cadaado ka dhacay mudaharaad weyn kaas oo shacabka iyo maamulka Ximan iyo xeeb uga soo horjeedaan afduubka iyo fashilka dawladda xassan Gurguurte ay la damacsantahay maamulka shacabka g/dhexe ay ku ballansanaayeen in laga hirgaliyo g/dhexe ee Somalia.
Dhinaca kalee, waxaa iyaguna mucaaraday qorshaha qalafsan ee xasan Gurguurte kooxda ahlusunna sheegata ee g/dhexe ee Somalia kuwaas oo iyagana magacooda uu waraaqaha ku saxiixay xubin sida ay sheegeen aan matalin.
Waxaa DF Somalia soo waddaa maamul kale oo layskugu gaynayo gobolada Hiiraan iyo sh/dhexe iyadoo aan shacabka deegaanadaas laga haysan wax ogolaansho ah ama lagala tashan. Madaxwayne Gurguurte markii laga soo cayrshay gobolada Baay iyo Jubbaland ayuu ka badin waayay inuu isku diro shacabka G/dhexe ee Somalia.