Baydhabo(INO)- Maamulka Gobolka Bay Iyo Kan Degmada Baydhabo ayaa maanta waxay Daawooyin kala Duwan iyo qalab Caafimaad u qeebiyeen Isbitaalka Bayhaaw ee magaalada baydhabo iyo MCH-yada ku yaalada Xaafadaha Degmada Baydhabo.
Deeqdan Daawada ah ayaa Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada Mgaalada Cabdullahi Cali Watiin Iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed maanta ay u qeebiyeen goobaha caafimaad ku yaala magaalada Baydhabo iyadoo markeedii hore ay soo gaarsiiyeen Xildhibaano iyo masuuliyin ka tirsan DFS kuwaa soo kala ah Wasiir Ku xigeenka ganacsiga DFS ahna Xildhibaaan Ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Keerow , Xildhibaan Maryan Macalin Isaaq, Xildhibaan Aweys Cabdullai Ibrahim iyo Ex- Xildhibaan Cabdicasis Laftagareen.
Deeqa Daawada ah ayaa waxa lagaarsiiyey Isbitaalka Baayhaaw iyo MCH-yo cusub oo dhawaan lagu dhisay xafdaha Isha, Wadajir, Buulajadiid Iyo Mooragaabey oo kuwada yaalo Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntii, deeqda daawada ah ayaa qayb ka mid ah looga talagalay deegaano hoos Yimaada Degmada Baydhabo, Sida Degaanada Awdiinle ,Goofgaduud Buray iyo Goof Gaduud Shabeelow.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online,Baydhabo