Baydhabo(INO)- Tababar uu bixinayo maamulka degmada Baydhaba ayaa waxa uu qaybtiisa 2aad ka furmay maanta magaalada Baydhaba ayada oo ay kasoo qayb galeen 20 qof oo lagasoo kala xulay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo sida odayaasha dhaqanka, maamulka gobolka Bay, kan degmada, ururka haweenka, ururka dhalinyarada iyo weliba culumaa’udiinka.
Tababarka ayaa waxa uu ku saabsanyahay kormeerida mashruuca, lahaanshaha hantida guud, waarida mashruuca iyo muhiimada mashruuca wadada Shariif Gacamey oo uu dhismo ku socday laamina la saari rabo, sidoo kale waxaa looga hadli doonaa sidii baalayaasha nalalka soolarka loo gelin lahaa wadadaas iyo weliba madaxtooyada magaalada Baydhaba.
Tababarkaan ayaa socon doona 2 maalmood waxaana maalgelinayso dowlada UK.
Gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada Cabdullaahi Cali Watiin ayaa ka hadlay tababarka isaga oo si weyn uga hadlay muhiimada mashaariicda la fulinayo ay u leeyihiin bulshada iyo magaalada Baydhaba iyo weliba sidii ay dadka u dhowran lahaayeen waxa kawada dhaxeeyo.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo