Daawo: Maamulka Degamda Wanleweyn Ee G/Sh/Hoose oo Furey Koob Looga Talagaley isdhexgalka Bulshada

0
234

Wanleweyn(INO)-  Gudoomiyaha Degmada Walanweyne Ee gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Siidow C/raxmaan (Maxamed Nuur), ayaa Degmadaas ka Furey Kooba Looga Talagaley is dhexgalka Bulshada isla markaana looga Magacdarey Alle ha u naxariistee Malaaq Cumarey.

Koobkan ayaa waxa ka qiib Galaya ilaa 20 Kooxood kuwaasoo ka Kala imaanaya Degmada, Degaanada iyo tuulooyinka Hoostaga Degmada Wanleweyn.

Gudoomiyaha Degmada wuxuu dhalanyarada Ka Qiib galeysa Tartanka Koobka Malaaq Cumarey kula dardaarmey inay ka shaqeeyaan Amniga, Difaaca iyo Horumarka Degaanka, waxa kale Bulashada ugu Baaqay inay wax wada qabsadaan ayna muujiyaan midnimo iyo Wadajir.

Si Kastaba ha haatee, Qabsoomida Koobkan waxa gacan weyn ka geystey Qurbo Joogta, Maamulka Degmada iyo Ciidamada Degaanka.

Ugu dambeyntii, Mudooyinka dambe waxa Degmada Wanleweyn laga dareemayey isbedelo dhanka Belicda Magaalada ah iyadoona laga hergaliyey baalooyink ku shaqeeya Cad cadeed iyo iskuul waxbarasho, sidoo kale waxa Degaanada AW Cismaan iyo Haakow laga dhisey Xarumo Caafimaad oo kaalin weyn ay ka geysteen Qurbo joogta Deenaadaas.

Halkan Ka Daawo Sawiro

01020304050606