Daawo: Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee 15-ka May Oo Si weyn Looga xusay Baydhabo

0
560

Baydhabo(INO)- Iyadoo guud ahaanba Dalka Somalia maanta looga dabaal-dagayo maalinta 15-ka May oo ah maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu qabtay munaasabada ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden oo ugu horeyn Daah-furay Munaasabadda ayaa ku dheeraday Qiimaha maanta oo kale ay u leedahay guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dhallinyarada maadaama ay ku asteysan aasaaskii SYL oo ay ku mideysnaayeen 13 dhalinyarro Soomaali ah.

”1943-kii ayay ahayd markii ay dhalinyarrada Soomaaliyeed dareemeen dhibaatada uu ku hayay Dalka Gumeystihii Taliyaaniga iyo Ingariiska, taasoo keentay in ay ku dhawaaqaan ururkii SYL, iyagoo waliba adeegsanayay tab iyo xeelad u gaar ah oo ay adkeyd in si sahal ah loo fahmo” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqday Laamaha Dowlada Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha in ay shaqo abuur u sameeyaan Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Sanadihii ugu dambeeyay si weyn ugu Dhimanayay Badda, iyaga oo u socdaalaya dalal shisheeye.

Dhanka kale, RW Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte ayaa ku booriyay Dhallinyarada Soomaaliyeed ay Maskaxdooda iyo muruqooda maalaan, kana Faa’iideystaan kheyraadka ku jira Waddankooda, taasoo ay uga maarmayaan dhibaatada uu ku hayo dhalinyarrada Soomaaliyeed tahriibka.

Ka qeyb-galayaashii munaasbada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa siweyn u soo dhaweeyay dabaal-daga maanta oo kale loo sameeyo Sanad Walba 15 ka bisha May, Waxaana goobta lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumeysa qiimaha ay u leedahay Xuska maanta oo kale bulsho weynta Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, Dhalinyarada Xilligan ayaa lagu dhaliilaa in aysan la iman Wax-qabad la taaban karo, si la mid ah 13 kii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee aas-aastay xisbigii SYL oo kusoo shaqeeyay marxalad adag oo aqoonta, dhaqaalaha & tiknoolajiyada intan ka liidatay.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo.