Daawo: Maalinta Caruuta Aduunka Oo Si Weyn Looga Xusay Magaalada Baydhabo

0
215

Baydhabo(INO)- Munaasabad Si heersare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay Hoolka Bay Star ee gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Munaasabada oo lagu xusayay Maalinta Caruurta Aduunka aya waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada haweenka iyo Xaquuqul insaanka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana goob joog ahaa masuuliyiin ka kala socotay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Marti Sharaf kale.

Xafladan ayaa ahayed mid ay ka soo qeyb galeen sidoo kale Caruur maadaama ay tahay Xuska Maalintooda iyagoo halkaasi ku soo bandhigay warbixino iyo su’aalo ay weydiiyeen Martisharaftii ka so qeybgashay sida, Madaxda KGS iyo weliba Hooyooyinka .

Waxaa halkaasi Hadalo Qiimo badan ka soo jeediyay Madaxdii isugu timid iyadoo ugu horeyn ay halkasi ka hadashay Wasiiru ku xigeenka wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Dowlada KGS  Marwo Binti Ibrahim Cali  oo sheegday in Maanta ay maalin Qiimo leh u tahay Caruurta Aduunka gaar ahaan kuwa Somaaliyeed ayna tahay in caruurtu soo badhigaan wax alaala waxii maankooda ku jira kana gudoomi doonaan.

Waxaa iyana halkaasi Hadlo ku aadan xuska Maalintaan ka jeediyay Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamanka Dowlada KGS Mr. Aweys Waxaana uu sheegay in maalintan qaaliga ah aysan xusitaankeeda mid laga xusayo Koonfur Galbeed Keliya balse laga xusayo dhamaan Aduunka oo idil.

Waxa uu Gudoomiye Aweys u mid mid ula hadlay Marti sharaftii ka soo qeyb gashay xaflada sida Hooyooyinka oo uu sheegay in ay door muhiim ah ku yihiin maalintan, waxaa kale oo uu la hadlay caruurta yar yare e halkaasi ku sugneyd isagoo ugu hambalyeeyay xuska Maalintooda.

Halkan Ka Daawo Sawiro

0102030405060708091010111213141516