Jigjiga(INO)-Iyadoo Madaxweyanah koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wefdigiisu ay u joogaan xarunta Dowlad Degaanka soomaalida Itoobiya ee Jigjiga kulun Khibrada Wadaag ah isla markaana ay ku baranayaan Wefdiga KG Soomaaliya sababihii uu Degaanka Soomaalida Itoobiya Uu ku Gaarey Hormarkan Ka Hilaacyo , ayaa waxaa Xafiiska Madaxweyne Cabdi Cumar lagu qabtey shir Muhiim ahaa isla Islamarkaana ay ka soo qiib galeen wefdiga Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Madaxda Xafiisyada Xeer Degaan Ee DDSI Taasoo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu tusiynaayey Arimo Muhiim ah.
Kulunka Oo Ka Hadley Madaxweyne Cabd Cumar ayaa, sheegey in Hormarkan hada ka socodo DDSI uu ku yimaadey Sahan dheer oo ay sameeyeen Bulshada soomaalida itoobiya isla markaana waxa uu sheegey in kooxda Al-shabab ay yihiin Cadow Bini’aadan isla markaana waxa uu carabka u adkeeyey in laga wadashaqeeyo baabinta kooxdan Xaqjirka ah ee ku soo duusheey diinta islaaamka, waa sida hadalka u dhige e.
Madaxweyanaha Maamulka koonfur galbeed soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Halkaasi ka hadley ayaa sheegey In ugu horeyn maamulkiisu uu doonayo in lagala shaqeeyo amaanka Degaanada Maamulka KG Soomaaliya isla markaana waxa uu intaa ku darey in amaanka Itoobiya uu ku xiran yahay Amaanka Dalka Soomaaliya Guud ahaan, Gaar ahaan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo soohin wadaaga la ah DDSI.
Dhanka Kale, Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Waxay Deeq waxbarasho ay siisey ardeyda koonfur galbeed soomaaliya kuwaasoo wax ka baran doono jaamacadaha iyo machadyada DDSI, iyadoona ilaa haatan la cayimin tirada, la siin doono deeqdaasi.
Ugu Dambeyntii DDSI ayaa balanqaadey in kala shaqeyn doonto maamulka koonfu galbeed dhanka Amaanka, Waxbarashada, Maamulka Suuban iyo weliba La dagaalkanka Ururka Al-shabab Ee Soomaalida Dagaalama.
Halakn Ka Daawo.
Idale News Online, Jigjiga.