Xudur(INO)– Kullan looga hadlaayey soo nooleynta bilicda Magaalada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa ka dhacey Isla magaaladaas.
Kullanka waxa ka qiib galey mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bakool, maamulka Degmada iyo Saraakiil ka tirsan Hay’ada DDG.
Waxyaabaha kullankaaas looga hadlayey waxaa ka mid ah; dib u dhiska wadada dheere ee magaalada xudur, sidii loo heli lahaa soolaro ku shaqeynaya cadceeda loona geyn laha waqti dhow degmada xudur, iyo weliba dib udhiska dugsiga aqoonta ee magaalada xudur iyo xaruumo kale oo aad u fara badan.
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Xudur ee gobolka Maxamed Macalin ayaa qurbo joogta Koonfur Galbeed Soomaaliya inay kala qiib qaadaan Horuminta Degmadaas.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay