Baydhabo(INO)- Kullan lagu soo bandhigayey waxqabadka Shan (5) Wasaaradood oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Sanadkan 2016 Ee sii dhamaanaya ayaa maanta lagu qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS Ee Magaalada Baydhabo.
Kullan waxaa soo qaban qaabisey Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Gacan ka heleysa Hay’ada UNDP.
Ujeedada laga lahaa kulankasi waxey ahayd sidii shacabka Degaanada KGS loo soo bandhigi lahaa howlaha ay qabteen wasaaraddaha muddadii ay jireen iyo waxyaalaha ugu muhiimsanoo u qorsheysan sannadaha soo socda.
Wasaaradaha soo gudbiyey wax qabadkooda waxey kala ahaayeen:
- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta;
- Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
- Wasaaradda Caafimaadka
- Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda
- Wasaaradda Cadaaladdai yo Arrimaha Garsoorka
Kullanka waxa ka soo qiib galey Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Xasan Fiqi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta Mudane Madoobe Nuunow Maxamed, Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiiro Ku Xigeeno iyo Agaasimiyaal iyo dad matalaya Bulshada rayidka KGS kuwaasoo dhageystey Waxqabadka Wasaaradaha ay soo bandhigeen.
Ku-simaha Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyey Furitaanka Kullanka ayaa sheegey in Wasaaradaha ay u qabsoomeen waxyaabo muhiim ah islamarkaana waxa uu hoosta ka xariiqay in wasaaradaha ay ku shaqeeyeen Daruufo adag.
“Waxaan ku faraxsanahay Kullan oo Wasaarada Qorsheyntaiyo Iskaashiga Caalamiga KGS soo agaasintey laguna soo bandhigaayo waxqabadka shan (5) wasaaradood KGS, wasaaradaha wax badanayaa u qabsoomeyin ka soo ay iska jiraan Daruufo adag, waxaan maanta joognaa meel hor looga sii dhaqaaqikaro”ayuu yiri Maxamed Xasan fiqi.
Wasiiro ayaa kullan ku soo bandhigeen waxqabadkooda oo faah faahsan iyadoona sheegeen inuu jiro Qorshe howleedka
kooban 3 sano oo wasaaraha ay ku socon doonaan sanadka 2017- 2019.
Soo badhigista iyo dhageysiga Waxqabadka Wasaaradaha KGS Ka dib, waxa la is weydiyey su’aalo iyo sidii hor looga sidii wadi lahaa Qorshiyaasha wasaaradaha Koonfur Galbeed Sanadka soo socoda.
Xuseen Axmed Mursal, Faadumo Mursal iyo Maryan Mursal Xaaji oo ku hadleen afka Bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaiya ayaa waxay sheegeen in wax badan ay qabteen wasaaradaha islamarkaana waxay codsadeen in ay sii wadaan iyagoona tilmaamney in waaaradaha ay ka soo bilaabeen shaqadooda meel Maran.
Ugu dambeyntii, Koonfur Galbeed Soomaaliya Soomaaliya ayaa la yagleeley sanadkii 2015, iyadoona ay leedahay Gole Wasiiro iyo Gole Baarlamanka, Waxayna 2 sano ee la soo dhaafey u qabsoomey Wasaradaha Waxyaabo muhiim ah.
Halkan Ku Dhufo: Warbxin Ku Saabsan Waxqabadka Wasaaradaha KGS
Halkan Ka Daawo Sawiro