Muqdisho ( INO )-Kulankani oo ay ka soo qeyb galeen Siyaasiyiin , Culumaa’udiin , Nabadoono iyo ururada Bulshada Rayidka ah oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa looga soo hor jeeday dacaayadaha ay mar weliba ka fidiso Kooxda la socodka xayiraadaha hubka ee Soomaaliya iyo Eretria dadka wax galka u ah Soomaaliya.
Nabadoon Max’ed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa ku eedeeyay Monitoring Group in ay ka weecatay shaqooyinkii Qaramada Midoobay u igmatay una jeesatay ka shaqeynta dib u dhaca umadda Soomaaliyeed waxaana uu xusay in dacaayado raqiis ah ay ka faafiso dad magac weyn Soomaaliya ku leh iyo masuuliyiinta dowladda Sooomaaliya iyadoo ku sheegta in ay sameeyaan musuqmaasuq qaarkodna la xiriirisa Al Shabaab.
Nabadoon Xaad oo sii hadlayay ayaa dowladda Soomaaliya waxa uu ugu baaqay in ay ka baxdo gambashada islamarkaana ay ka hadasho dhibaatada ba’an ay ku heyso Soomaaliya Kooxda la socodka Xayiraadaha hubka saaran Soomaaliya iyo Eretria isago qaramada Midoobayna ka dalbaday in kooxdaasi la xisaabtan dhab ah la tiigsato.
Geesta kale Canab Xasan Cilmi Guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa ku eedeysay Monitoring Group ka shaqeynta dhibaatada umadda Soomaaliyeed iyadoo xustay in arrimahaasi ay soo waday muddo fog taas oo ay ku tilmaamtay in ay tahay Nasiib darro u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed loona baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto.
Monitoring Group ayaa warbixinno kala duwan oo ku eedeyneysay dad kala duwan oo Soomaaliyeed horay u soo saartay taas oo haatan ay cabasho ka soo saareen dad badan oo ka mid ah Bulsho weynta Soomaaliyeed.