Daawo: Koonfur Galbeed Somalia Oo Xilka Ka Qaadey Wasiirka Diinta iyo Awqaafka KGS Oo Horey Isu Casiley

0
190

Baydhabo(INO)- Shir  Maanta ay isugu yimaadeen Gollaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo shir Gudoominayey Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Xilka Looga qaadey Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Koonfur Galbeed Axmed Macalin Barre  isla markaana ah Mudane Ka Tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo doonayey in uu toosiyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Macalin Barre ayaa horey u sheeegey in uusan Wasiir ahayn, Shariif  Xasan Madaxweyne sharciga ku fadhiyo ahayn,isagoona hadalakas ku sheegeen Shir ay isu yimaadeen Xubno ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed oo ka dhacey Magaalada Muqdisho.

Ex. Wasiir Axmed Macalin Barre ayaa waxa uu horey ugu eedayey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden xil gudosho la’aan iyo Dantiis raadsasho isla markaana wuxuu ka mid yahay 97 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo qalinka ku duugeen Mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden.

 Halkan Ka Daawo VIDEO