Daawo Koonfur Galbeed oo cod aqlabiyad leh ku ansixisey guddi doorasho oo cusub

0
258

Baydhabo  ( Idalenews onlie) – Kullan ay Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku yeesheen Xildhibaanada maamulkaasi ayey cod gacan taag ah ku ansixyeen xubnaha lagu dhameystiraayey Gudiga Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

Fadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 138, Xildhibaan, waxaana u codeeyay 134 Xildhibaan oo cod gacan taag ah ugu codeeyay, waxaa diiday laba Xildhibaan, halka laba kalena ay ka aamuseen.

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ay maanta ansixiyeen Xildhibaanada maamulkaasi xunbaha lagu soo kordhiyay ayaa laga dhursugayaa darder gelinta doorashadaasi xiligeeda ka dib martay ka dib markii xubno dhowr ah oo guydigaasi ka mid ahaa ay is casileen.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa isha ku haaya Badi Soomaalida meel kasto oo ay joogaan iyo beesha caalamka.