Daawo: Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Oo Maanta Tababar Maclinimo U Furtey 20 Gabdhood

0
210

Baydhabo(INO)-Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa Maanta Waxay tababar Maclinimo u furtey 20  Bare oo Hablo ah kuwaasoo  soo Dhameystey Dugiyada Sare ee Baydhabo, isla markaana waxa Gacan ka geystay  Wasaaradda Waxbarashada ,Hidaha Iyo Tacliinta Sare Ee  DF Soomaaliya.

uss1

Wasaaradda Waxbarashada  Iyo Tacliinta Sare Ee Dowladda Soomaaliya ayaa lahayd shuruudaha iyo tayada lagu soo xuley 20-kan ardey oo loo tababaraayo Maclinimo.

Ardaydan macalinimada loo tababari doono muddo ku dhaaw 2  sanadood, taasoo wax weyn ka tari doonto waxbarashada gabdhaha soomaaliyeed Ee Ku dhaqan Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xaflada Tababarka Maanta Waxaa Ka Hadley, Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaalliya Proff. Maxamed Cali Axmed (Proff. Kalaay), Ali Aaden Oo ah Waskiilka  Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha  iyo Tacliinta Sare Ee Soomaaliya , Abshir Mohamed Idris, oo ah Dean-ka Kuliyadda Waxbarashadda Ee USS, Iyo weliba Wasiirka Hidaha Iyo Tacliinta Sare Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Ibraahim Xasan.

Mas’uuliyiintaasi ayaa  waxay si wadajir ah waxay ugu hadleen Muhiimada Waxbrashada iyo Waxbarista Gabadhaha Soomaaliyeed, waxayna Hadalo Dhiiro galin ah u Jeediyeen ardeyda Maanta Loo Furey tababarka.

Sikastaba ha haatee, Waxbarashadu waa furaha Nolosha waxaana Aqoon la’aantu tahay Iftiin la’aan isla markaana  waxaa u siman Wiilasha iyo Gabdhaha balse xuquuq ayaa jirta Alle  siyay wiilasha iyo Gabdhaha xaga Jinsiga iyo xaga Aadaabta marka aan eegno waxbarashadda Gabdhaha KG Somalia aad Bay u liidata.
 
Inta badan Waalidka Gabdhaha Sooomaalidu waxay aaminsanyihiin inaanay Haboonayn in Gabadhodu ay waxbarato oo rag la tartanto balse kaliya ay ahmiyad siyaaan wiilasha.

Ugu dambeyntii, Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Ee Magaalada Baydhabo ayaa wado Dadaalo iyo wacyi galin.

Halkan Ka Daawo.

USS3

uss2

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here