Daawo: Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Iyo Hay’ada Berghof Foundation Oo Heshiis Wada Gaarey

0
232

Muqdisho(INO)-Waxaa Maanta heshiis ku wada saxiixday  Magaalada Muqdisho Ee  Caasimadda Soomaaliya  Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya(USS) iyo Hay’adda Berghof Foundation ee Fadhigeedu  yahay Dalka Jarmalka.

Heshiisaka ayaa ahaa, wax la qabashada Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, oo ay ka mid tahay tababaro la siinayo Macaliniinta dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in wax lagu soo baro, in Jaamacadda USS laga caawiyo dhinaca Cilmi barista iyo  in ay kada shaqeeyaan sidii Jaamacadda USS  loo Horumarin lahaa dhinaca manhajka.

Waxaa heshiiskaas u Saxiixay dhinaca Jaamacadda Prof. Maxamed Cali Kalaay,oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya halka dhinaca Hay’adda u Saxiixay Madax Sare ee ka socota Hay’adaasi.

Heshiiskaas  ayaa ah mid  lagu xoojinyey dhinaca horumarinta waxbarashada iyo Tababaro Gudaha Dalka iyo Dibadaba isugu jiro, isla markaana Dhinaca Wafdiga Dalka Garmalka waxaa hoggaaminaayey Mr. Christoph Jaeger.

Ugu dambeyntii, Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa wadaRaadinta Tayadda waxbarashadda Jaamacaddasi, iyadoona Horey u qabatey, Barnaamijiyo wacy-galin ah iyo  kuwo looga hadlaayey Khalinta Khilaafka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here