Daawo: Jaamacadda Koofurta Soomaaliya Ee Baydhabo Oo Maanta Xustey Maalinta Dhirta Aduunka

0
260

Baydhabo(INO)-Maanta oo ay ahayd maalinta dhirta adduunka ee Caalamiga ee ku beegan 17ka April 2015 ayaa waxa Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Jaamacadda Koondurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa waxay xusen Maalinta dhirta Adduunka oo ay  Jaamacadda USS dhexdeeda iyo agagaaraheeda ay ku abuureen geed miroodyo fara badan qeybna ay u qeybiyeen ardayda awooda u leh inay xanaaneyaan geedahaas.

Munaasabadda Dhirbeerista ee Jaamacadda  Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo, waxa Ka Soo Qiib galey  Maxamed Ibraahim Isaaq (Eng. Aflow) oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Degmada Baydhabo Janaay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Proff. Maxamed Cali Kalaay ayaa munasabadaas ka hadlay wuxuu ardayd u jeediyey inuu geedku yahay noole anfac badan  harsi iyo macaafacaadba leh bi’adana qurux ku saa’idin kara isagoo sii wata  hadalkiisa ayuu wuxu sii sheegay geedaha laha inay keenin karto nabaad guur ku dhaca dhulka iyadoo markaas ay noqon karto in meeshaasi aysan ku noolaan karin dad iyo duunyaba.

Ugu dambeyntii  wuxuu kula dardaarmey ardeyda in xoojiyaan Barashadda Cilmiga Dhirta( Botony), iyo ilaalinta Degaanka.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here