Baydhabo(INO)- Maxa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay lagu qabtay munaasabad Ballaaran oo looga hadlaayey U Adeegsiga Afka Hooyo Dhinacayada Waxbarashada, Saxaafadda iyo Maamulka ayaa ka dhacdey Xarunta Jaamacadda Koofurta Soomaaliya(USS) Ee Magaalada Baydhabo.
Ugu Horeeyn Waxa Nuxurka Ujeeda Barnaamijka uu daah furay Prof. Maxamed Cali Kalaay Wakiilka Akadeemiya Goboleedka Afka Soomaaliga ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, isagoona ku dheeradey Qiimaha iyo Ahmiyada ay leedahay Adeegsiga Afka Hooyo Ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxa Munaasabada Ka Hadleen Mas’uulyihiin kala duwan sida ; Mudane Cali Cabdulle Xasan (Cali Afgooye) oo ah Khabiir ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Ee Soomaaliya , Muxidiin Xasan Xusni Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Isagoona Ka Hadley Kaalinta Saxaafadda iyo Afka Soomaaliga, Mudane Fawsi Cabdi Nuur Afhayeenka Gollaha Aqoonyahana Koonfurta Soomaaliya oo ka hadlay Kaalinta Adeegsiga Maamulka, Cabdisataar Xasan Cal Oo ah Diplamasi ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya, Mudane Cabdiqani Cabdulahi Maxamed oo isna ah Xoghayaha Guud Ee Ururka Dhalinyarada Soomaalieed iyo weliba Abwaan Maxamed Xasan Cusmaan (Canjeex) oo Maanso Guubaabin ah oo aad loo jeclaystay ka soo jeediyey Munaasabada.
Ka Dib waxa la bilaabey Dood furan iyo Su’aalo ku aadan Horumarinta Afka Hooyo, dadweynihii goobta yimid waxay soo jeediyeen in la horumariyo Afka iyo Dhaqanka suuban Ee Soomaaliya,
Ugu dambeybntii Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Ee Baydhabo ayaa waxay ka qiib ka qaadatey Sanadahan Wacyi-galinta Bulsahda iyo Horumarin fekirka Dad weynaha.