Daawo: Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Ee Baydhabo Oo Soo Gebo Gabeysey Bandhiga Todobaadka Dhaqanka

0
394

Baydhabo(INO)- Munaasabad  Ballaara oo lagu soo gabo gabeynayay todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda Koonfur Soomaaliya oo ka qeyb galeen Maamulka sare ee Jaamacadda, Macalimiin, Abwaanno uu ka midyahay Abwaan Maxamed Xasan Cusmaan(Canjeex), Midowga Ardeyda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Ee magaalada Baydhabo.

Todobaadka dhaqanka ee sanadkan ayaa waxaa ku tartamayay arday ka kala socotey Kuliyadaha Kala gedisan Ee Jaamacadda iyo Bahad Ciyaartooyda Degmada Baydhabo waxaana ay ardaydu  iyo Ka Qiib Galiyaashu ay goobta ku soo bandhigeen bandhig Dhaqmeed ka turjumayay dhaqanka Soomaaliya.

Waxaan maanta Munaasabad lagu soo bandhigey Aqal dhaqameedyo sida; dermaha jiifka, agabka cuntada lagu karsado, hubka ugaarsiga ama difaaca qoyska, agabka cunta lagu cuno,  farshaxanka guryaha lagu xardho, dambiilaha lagu adeegto, weelasha caanaha lagu shubto oo lagu keydiyo, kuwo lagu cabo caanaha  shaaha iyo wixii la halmaalo, burjikada dambka lagu shito, iyo waxaayo kale oo duruuri u ah dhaqanka qoyska oo dhammaan lagu sameeyey Wadanka gudihiisa.

Munaasabada waxaa Ka hadley Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay  isagoona amaan u jeediyay sida ay uga qeyb qaateen todobaadka dhaqanka ardaydii iyo Bulshadad kale Ee bandhig dhaqameedka soo gudbiyey.

Prof. Maxamed Cali Kalaay ayaa  sidoo kale Sheegey in ujeeda ugu weyn Ee Bandhiga todobaadka Dhaqanka ay tahay in ardayda dhigata kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda ay isku bartaan, isla markaana ay ka qeyb qaataan xoojinta dhaqanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Jaamacadda  ayaa hoosta ka xariiqay in Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Ee Magaalada Baydhabo ay todobaadka dhaqanka qaban doonto Sanad weliba, isla markaana u jeedka Jaamacaddu uu yahay in ardayda lagu baraarujiyo xoojinta dhaqankeena suuban, ayna ka qaataan door fir fircoon.

Halkan Ka Daawo

01020304

060507080911101617192123242526

Idale News Online,  Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here