Daawo: In ka badan hal milyan xujey ah oo ku sugan Makka si ay u gutaan waajibaadka xajka

0
202

Makka(INO)Malaayiin qof oo xujey ah ayaa gaaray magaalada barakeysan ee Makka si ay usoo gutaan acmaasha xajka, waxaana sanadkaan ka baaqday inay soo xajiyaan in ka badan 600 kun xujey ah oo ka imaan lahaa wadanka ugu badan ee Shiicada ka timaado ee Iiraan sabab lala xiriiriyay khilaaf siyaasadeed oo Iiraan ay ku eedeysay Sacuudiga maamul xumida Xajka iyo siyaasadda ku aadan bariga dhexe.

Caawa ayaa xujeyda waxay ka dhaqaaqayaan Makka, iyagoo aadi doona Minna, kadibna waxaay u xigi doona Yumul Carafa, jamaraad, dawaafka iyo sheydaan tuurka.xaj-2016-1Mas’uuliyiinta dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in si nabadgelyo ay ku jirto uu u dhici doono xajka sanadkan.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa u diyaarsan inay sugaan amaanka xujeyda, maadaama ay jirto cabsi iyo suuragalnimada in ay dhacaan falal amaanka wax yeeleyn kara. Bishii hore ayaa masjidka barakeysan ee Makka waxaa lagu weeraray qarax qof fuliyay.

xaj-2016-2 xaj-2016-3xaj-2016-4xaj-2016-6xaj-2016-7xaj-2016-8xaj-2016-9xaj-2016-11xaj-2016-15xaj-2016-16xaj-2016-10xaj-2016-14