Daawo: howlo nadaafadeed iyo dayactir isugu jira oo ka bilowday degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir

0
271

Haweeneyda madaxda ka ah degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) ee gobolka Banaadir ayaa bilowday howlo isugu jira nadaafad iyo dayactir lagu soo celinta bilicda qaar ka mid wadooyinka degmadaasi oo burbur balaaran ka ka muuqdo, isla markaasna aanan wax dayactir ah helin muddo ka badan 23 sano.

Mashruucan Nadaafada & Dayactirka wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa gacan weyn geysanaaya dowlada Turkiga oo dhaqaalaha ku baxaaya qashin aruurinta iyo dayactirka wadooyinka ugu deeqa maamulka gobolka.

Deeqa C/qaadir, gudoomiyaha degmada Wardhiigley, ayaa ugu baaqdey dadka magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wardhiigley inay isku tashadaan oo qarashinka wadooyinka ay dhigeen iyo dayactirka wadooyinka degmada ee burbursanka sugin dalal shisheeye in ay howshaan u qabtaan. Waxay Deeqa dhanka kale sheegtay in aan hadda waxii ka dambeeya  talaabo sharci ah laga qaadi doono cid kastaa oo isku dayda in ay wax u dhinta bilicda degmada.

Dadka magaalda Muqdish ayaa amaaney waxqabadka Gudoomiyayaasha degmada Howlwadaag iyo Wardhiigay, waxaana muuqda waxqabad dhab ah oo ka muuqda degmooyinkaas muddadii yareyd ee ay ka talinayeen degmooyinkaas.
Deeqo-

Idale News Online, Mogadishu

 

Idale News Online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here