Daawo: Horumarka iyo Waxbarashada Ee Iskuulka Gabdhaha Cabdalla Deerow Ee Baydhabo

0
189

Baydhabo(INO) Magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay waxaa ku yaalla Iskuul u gaar ah carruurta agoonta,danyarta iyo barakacayaasha ku nool magalada, kaasoo isagu jira hoose,dhexe iyo sare.

Dugsigan oo la aasasey sannadku markuu ahaa 2005 ayaa loogu magac daray Cabdalla Deerow Isaaq, waana Iskuul dadwayne oo ma ahan mid gaar loo lee yahay isla markasna hoos taga dowladda Koonfur galbeed.

Ardayda dhigta oo ah Gabdho aad u da’yar ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqda inay ka go’an tahay sidii ay nolasha heer muuqda uga gaari lahaayeen, waxayna kuu sheegayaan markaa la shakaysato inay jecel yihiin in waxbarashadoodu sii socoto oo aysan ka kala go’in.

Mamulaha Iskuulka Cabdalla Deerow Maamo Xaawo Cabdilaahi Cali ayaa noo sheegtey in tiradda ardayda dhigata Iskuulkan inay tahay 1.078 ardey oo danyar ah isla markasna aan wax lacag ah laga qaadin, waxay kaloo tilmaamtay inay wax u dhigaan 22 macallin oo dumar ah kuwaasoo xitaa iyagana aan wax lacag ahi ku shaqayn.

Waa iskuulkii ugu horeeyay oo haween gaar ah oo laga hirgaliyo magalada Baydhabo, balse Iskuulkan iyo mamulka gacanta ku haya ma helaan taageero joogto ah, waxayna haddii ay sidaa xaaladoodu ku soo socoto suurta gal ah in iskuulku is xiro.

Halkan Ka Daawo Sawiro
6

7

8

9

11

12

1

2

3

4

5

10

11

12