Daawo: Heestii Labo Daran Mid Dooro (Dilaal & Wax Ma Tare) – “Heestii Jawaari Hey Dooradooy”

0
260

Muqdisho (INO) – Taageerayaasha gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo ah musharax u taagan mar labaad inuu noqdo gudoomiyaha Barlamaanka ayaa olole balaaran ugu jira sidii mar labaad loo soo dooran lahaa. Taageerayaasha Digil & Mirifle ee raba in  Jawaari dib loo soo doorto ayaa shabakada Idale News Online u sheegeen sababta ay u doonayaan Jawaari in tahay “Labo daran mid dooro” xaalada hadda Digil & Mirifle ku sugan yahay.


Waxay Idale News Onlien u sheegeen nin Madaxweynaha Maamulka KGS Somalia, Shariif Xasan ahaa xildhibaan tan & dowladii Carta ee sanadkii 2000, isla markaasna 2 Jeer soo noqdey Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ahaa R/wasaare ku xigeen & Wasiir Maaliyada dowladii Shariif Sheikh Axmed ayaan haba yaraatee mudadaas 20ka sano ka badan qabanin wax dantiisa ka baxsan & tan beelaha Hawiye ee uu gacan saarka dhow la leeyahay isla markaasna uu kala dhexeeyo xiriir ganacsi iyo mid xididnimo, gobolka Shabeelaha Hoosena ah masuulka kaliya ee ku haaya ee sida hoose ula shaqeynaaya.

Sidoo kale Xubnaha Digil & Mirifle ee taageersan Jawaari ayaa Idale News Online u sheegeen in  Jawaari yahay shaqsi wax ma tare ah laakiin aan wax dhibaato ah aanan haba yaraatee u geysanin  dadkiisa & deegaanada Digil & Mirifle isla markaasna aanu aheyn dilaal lid ku ah horumarka Digil & Mirifle. Sidaasi darteed aysan suurtogal aheyn in masiirka Somalia & kan Digil & Mirifle lagu aamino shariif Xasan Sheekh Aadan, doorashadiisa Madaxweynaha Somalia aysan raali ka aheyn kana horgayaan, isla markaasna ay markaan ka qaadayaa xoog iyo xeeladba inuu sii haysto maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Idale News ONline.