Daawo: Hay’adaha ILO iyo MCC Oo Baydhabo Ka Furey Tababar Socon Doono Mudo 4 Bilood Ah

0
196

Baydhabo(INO)- Maanta ayaa magaalda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay loogu qabtey tababar socon doono mudo afar bilood ah taba bar kaas oo eey ka faa’ideysan doonaan 320 qof tababarkaas oo lagu bari doono xirfadaha kala duwan sida tolida xarqanada,korontada,qurxinta dumarka,farshaxanada iyo sameynta mobelada.

Tababarkan ayaa waxaa iska kashadey laba Hey’adah ILO,MMC waxaa fulinta dhaqalaha bixisey dowlada  Wadanka Jaban.

Waxaa ka soo qeyb galey Gaddomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulahi Cali Watiin ahna duqa magaalada Baydhabo,Wasiir ku xigenka shaqada iyo shaqaalaha KGS Axmed Maxamed Abuukar,Agaasimaha Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha DFS Cabdirisaaq macalim Cilmi, Agaasimaha wasaarada dib udejinta KGS Liibaan shekh shuceyb, Gadomiyaha samafalka Gobolka Bay Ahna kusimaha Gobolka Bay Cumar , Gadomiyaha ururka Haweenka Gobolka Bay Marwo Muraayo Madeer iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baydhabo Marwo Xaawo sokor Cali.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here