Baydhabo(INO)-Hayada HIJRA ayaa Beeraley Tiradooda Gaareysa Ku dhawaad 600 ayaa waxay u qabatey Tababar Aqoonta Beeraha iyo Waxsoosaarka habka ugu wanaagsan ee Beeraleyda ay u abuuran karaan Beerahooda, Berraleyda ayaa waxay ka kala yimaadeen Tuulooyinka Hoos yimaada Degmada Baydhabo sida Lawiile . Makuudo , Buulo uusin , Buulo jadiid , Galan garasle iyo Deynuuney , Goofgaduud Shabeelada , Dhegloole iyo Duurow . Tababarka ayaa weli socda , laakiin Maanta ayaa waxaa loo soo geba gebeeyey Laba kamid ah Tuulooyinka sida Makuudo iyo Lawiila.
Tababar ay wado Hayada HIJRA ayaa waxaa bixinayey Macalimiin Qibrad u leh dhinaca Beeraha . Beeraleyda ayaa waxaa labarayey Habaka ugu fiican ee qodashada Beeraha sida :- Saf saf u abuurashada , doorashada Abuurka , Dalag bedel (Crop Rotation) , Habka Cayayaanka iyo Cudurka loogu Hortagayo , xiliga Goosashada iyo Keydinta iyo Suuq Geynta , iyadoo si Pratical ah loo tusayey , waxaa kale oo Casharada kamid ahaa Sida loo sameeyo Xanaaneynta Qudaar (NURSERY) iyo sida Kushiimada loo sameeyo .