Baydhabo(INO)- Kusimaha madahaweynaha KG ahana Wasiirka Wasaarada Hubka dhigista Dhaqancelinta Maleeshiyaadka iyo Tababarada Ciidanka iyo Duqa Degmada Baydhabo ayaa siwadajir ah ugaqeybgaley Munaasabad Hey ada DDG ay kusoobandhigaysay waxqabadkeeda 2 sano ee lasoodhaafey iyo mashruucyada haatan laqabandoono
Munaasabadan oo aheed mid lagusoobandhigaayey waxqabadka hay ada DDG labadii sano ee lasoodhafey iyo mashruucyada haatan laqabandoono ayaa waxaa kasooqeybgaley. Kusimaha madahaweynaha KG ahana Wasiirka Wasaarada Hubka dhigista Dhaqancelinta Maleeshiyaadka iyo Tababarada Ciidanka iyo Duqa Degmada Baydhabo . Culmaa udiin waxgarad . Madahada Hay ada DDG iyo waliba qaar kamid ah Gudiyaasha xaafadaha Magaalada Baydhabo.
Ugu horeen Madaxa Hay ada DDG Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya C/laahi Cabdi Aadan ayaa sikooban ufaafahiyey Mashaaricdii ay kafuliyeen Magaalada Baydhabo . sida Bulshada ay uga faa idaysatay Masruucii Hormarinta Bulshada ee DANWADAAG.
Wasiir kuxigeenka Waxabarashada KG ee Soomaaliya Jabriil Aadan Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxabarashada KG ayaa iyaguna ugumahadceliyey hay ada DDG Iskuuladii iyo waliba MCH yadii farahbadnaa ee ay udhiseen Xaafadaha Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntii, kusimaha Madahaweynaha KG ahana Wasiirka Wasaarada Hubka dhigista Dhaqancelinta Maleeshiyaadka iyo Tababarada Ciidanka Xasan Xuseen Maxamed iyo Duqa Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin ayaa siwadajir ahiyaguna ugu mahadceliyey hay ada DDG iyo waliba masharuuca danwadaag waxbadan kaqabtay Magaalada Baydhabo.
Wariye Abshir Maxamed Nuur ( Mandella)
Idale News Online, Baydhabo