Daawo: Haweenka Jaaliyada KGS Ee Dalka Canada Oo Maanta Deeq Lacageed Gaarsiyey Bukaanada Isbitaalka Baydhabo

0
432

Baydhabo(INO)- Jaaliyada Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa deeq lacageed soo gaarsiisay Bukaada jiifa isbitaalka  Weyn Ee Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Deeqdan Lacagta ah ee Maanta lagaarsiiyey Bukaanada Kujira Cisbitaalka Gobolka Bay  ayaa waxaa  ay gaareysay  (55,000,000 Sh. Som) konton iyo shan malyan oo Shilan Soomaali ah ayaa waxaa iska soo aruuriyey  Jaliyada Haweenka  KG Soomaaliya ee dalka Cenada .

waxaana lacagtaasi loo soo wakiishay  Haween ay hormuud ka tahay Maamo Bintaw Shariif oo Hormuud u ah Haweenka muxusiniinta ah ee Gobolka Bay.

Bukaanada loo qiibiyey Lacagtan ayaa waxaa  ay isugu jireen  kuwii dhawaan waxayeelada kasoogaartey  Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo  iyo kuwa  kale oo ladaaladhacaya  xanuunyo kale  Kuwaas oo  ka kala imid Gobalada Bay Gakool iyo Gado.

Agaasimaha Cisbitaalka Gobolka Bay  C/fataax Xaashi Sagaashius  ayaa waxaa Jaaliyada gabdhaha  Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dalka Canada  waxaa uu ugu mahadceliyey Lacagtan ay soogaarsiiyeen Bukaanada Kujira Cisbitaalka Gobolka Bay.

Ugu dambeyntii, Maamo Maano Maxamed Nuur Oo ka mid aheeyd  haweenkii loo soo wakiishay  gaarsiinta Lacata Bukaanada ku jira cibitaalka Golka Bay  ayaa faafahinaysay tirada Lacagta iyo Shaqsiyaadkii soo dhiibay.

Halkan Ka Daawo Sawiradda Maanta

0203040506070809

01

 

Wariye Abshir Maxamed Nuur (Mandella), Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here