Waxaa hoteelka Bakiin ee magaalada Baydhabo ka furmay shir lagu taageeraayo maamul ka kooban seddex gobol kaasoo uu garwadeen ka yahay gudoomiye ku xigeenka gobolka Bay Shiino Macalin Nuuroow, oo isugu sheegay in shirka maamul u sameynta gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose wajigiisa 1aad uu furmay.
Kulankii maanta oo ay joogeen xubnno isugu jira malaaqo iyo dad kale oo taageersan siyaasadda gudoomiye ku xigeenka gobolka Bay Shiino, oo isaga la sheego inuu gacan saar la leeyahay gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isugu horey u cadeeyey in uu doonaayo in la dhiso maamul ka kooban 3 gobol.
Malaaqyadii ka qeyb galey furintaanka shirka ka dhacey hotel Bakiin ayaa waxaa ka muuqday Malaaq Madiyow iyo kuwa kale oo iyagu ka soo baxay shirkii Maamul u sameynta lixda gobol ee KG Somalia oo in muddo ah uga socday magaalada Baydhabo duqowda gobolada KG iyo ergo ka kala yimid lixda gobol ee KG Somalia.
Furintaankaan shirkaan barbar socda shirka Maamul goboleedka lixda gobol ayaa u muuqda mid ay siyaasiyiinta gobollada Bay iyo Bakool ay ku muujiynaayaan cududooda siyaasadeed waxaana dadka ka faalooda siyaasada ay sheegaayaan in kala aragti duwanaanta hadda jirta abuuri karto khilaaf ragaadiya dhismaha maamul goboleed deegaanadaasi yeeshaan.
Idale News Online