Daawo: Gudoomiyaha Gobolka Bay Oo Booqadey Cusbitaalka Baydhabo& Qabrigii Marxuum AUN Xaabsade

0
195

Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Gobolka Bay,Dr. Cabdi Aadan Hoosow iyo Saraakiil Ka Tirsan Maamulkiisa  Ayaa booqadey Cusbitaalka Guud ee Degmada Baydhabo Janaay, isagoona halkaasi, warbixin kaga dhageystey Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Baydhabo Dr. Cabdullahi Maxamed Aadan.

Hoosow

Agaasimaha Guuda Ee Cusbitaalka Degmada Baydhbo ayaa Sheegey in Cusbitaalku uu  iminka lagu wado  dhismooyin  cusub isla markaana waxa uu intaa ku darey in dardar galinta Howlaha Shaqo ee cusbitaalku Si habsami leh ay u scoodaan.

Isku Duwaha  Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ee Gobolka Bay, Dr.Yuusuf Barre ayaa Amaaney Godoomiyaha Gobolka Bay, doorkii  uu ku Geystey hormarinta iyo Sii socodsiinta shaqada Cusbitaalka Baydhabo “ Gobolada Bakool, Bay iyo Gedo Bukaanada laga keeno ayaa lagu dabiiba cusbitaalkan, Dhismooyin cusubna waa laga soo Kordhiyey, Shaqada cusbitaalku waa mid aad fiican waaye hada” Ayuu yiri Dr. yuusuf Barre.

Gudoomiyaha Gobolka Bay, Dr. Cabdi Aadan Hoosow, Ayaa  Kula dardaaramey Shaqaalaha Cusbitaalka Baydhabo in ay Muujiyaan iskuubni iyo Shaqo hufan oo  ay u qabtaan Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya “  Cusbitaalkan Waxa uu ahaa Wax yaabihii ugu horeeyey oo maamulkeyaga xooga saarey” Ayuu yiri Dr. Cabdi Aadan Hoosow.

Dhan kale Gudoomiyaha Gobolka Bay, ayaa booqadey Qabrigii Ex. Xildhibaan Marxuum AUN Maxamed Ibraahim Xaabsade  oo Bishii hore lagu aasey gudaha magaalada Baydhabo” Waxaan Alle ugu beryaa in uu geeyo janadiisi waxa uu  ahaa Siyaasi weyn oo Jagooyin kala gedisan ka soo qabtey Dalka Soomaaliya, Anigu waan maqanaa xilligii la Aaseyey” Ayuu yiri Hoosow.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here