Afgooye(INO)- Munaasabad lagu qabtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose oo xilka ay ku kala wareegayeen Cabduqaadir Siidi iyo Ibraahim Najax.
Iyadoo dhamaadkii sanadkii tagay xilka laga qaaday Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa lagu qasbay in xilka uu ku wareejiyo Ibraahim Aadan Cali (Najax) si ay u curyaamiyaan Maamulka cusub si la mid ah kii hore ama uu ku shaqeeyo awaamiirtooda.
Sida ka muuqatay goobta xaflada lagu qabtay ma jirin Mas’uuliyiin ka tirsan Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa.
Ugu dambeyntii, Cabduqaadir Siidi oo bilowgii sanadii 2007-da loo magacaabay xilka Gudoomiyenimo ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ka hoos shaqeenayey qab qabliyaal dagaal oo xooga ku jooga Shabeelada hoose islamarkaana xilalka ay sheegtaan ku helay daadinta dhiiga Masaakiinta, waxaana dhawaan ay ku kiciyeen mucaaraddo si meesha looga saaro maadama ay ku daneysteen.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Afgooye