Daawo: Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba iyo labadiisa ku xigeen oo la doortay

0
267

Muqdisho(INO)- Mudanayaasha baarlamaanka Jubba ayaa manta doortay Hogaanka guud ee baarlamaankaas, oo dhawaan si rasmi ah loo soo xulay doorasho qaadatay saacado badan oo ka dhacday magaalada Kismaayo.

Gudiga doorashada oo siweyn usoo abaabulay doorashadan ayaa ku bilaabay doorashada Hanaankeeda, oo ahaa mid Sanduuqa cad lagu kala baxayo, taas oo aan haba yaraatee cidna cid kale ku tuhmeyn in ay sad bursi sameysay.

Xildhibaanadan soo xaadiray madasha doorashada ayaa ahaa tiro ahaan 72 Xildhibaan, waxaana ay aqbaleen in ay hanaanka doorashadu noqoto mid qarsoodi ah oo qof kasta cida uu siinayo codkiisa ay tahay mid sir ah.

Tanaasulad ay sameeyeen Musharaxiintii uutaagneyd gudoomiye-nimada baarlamaanka Jubaland, ayaa ka dhigay in ay isku soo haraan labo Musharax, waxaana wareegii koowad helay codad dhan 45 Musharax Sh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, oo sidaas ku noqday Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jubba.

Xildhibaanada baarlamaanka Jubba ayaa sidaas oo kale udoortay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Jubaland Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf, halka kuxigeenka labaadna uu noqday Cabdi Baale Xuseen.

Madaxda baarlamaanka Jubaland loo doortay ayaa ka hadlay halkaas waxa ayna sheegeen in ay kufaraxsan yihiin xilalka loo dhiibey, iyagoo balan qaaday in ay wax badan ka qaban doonaan masuuliyada adage e lagu aaminay.

Madaxweynaha dawladda Jubbad Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka hadlay munaasabadan oo lasoo gaba-gabeeyey ayaa bogaadiyey Xildhibaanada baarlamaanka Jubba, wuxuuna sheegay in dawladooda ay dhawrayso howlo adag oo ay ugu horeyso baahinta Maamulka, isago balan qaaday in uu la shaqeyn doono gudoonka baarlamaanka cusub.

Halkan Ka Daawo

baarlamaanka

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here