Baydhabo(INO)- Gollaha Wasiiradda Dowlada Koonf ayaa maantaa shir Ku yeeshay Xarunta Madaxtooyda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Isla markaana waxa shir Gudoominaayay Madaxweyanaha Dolwada KGS Shariff Xasan Sheikh Aadan.
Shirkaasi waxaa warbixin looga dhageystey Qaar ka mid ah Gollaha Wasiirada iyo Guddomiyaha Guddiga Shaqalaha Rayidka ee Dowladda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Xusen Cali.
Waxa si qota dheer looga doodey Amniga oo si Aaad ah looga hadley ayadoo la isku raacey in lasii xoojiyo amaanka guud ahaan KGS iyo In si dhow loola socdo mootoyiinka bajaajka ah iyo kuwa laba lugaaleyda ah ee magaalada ka Baxaayo lana diwaan geliyo marka ay baxaayan iyo marka ay soo galayaan Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntii, waxaa kalo shirka Gollaha Wasiirada Lagu Ansaxiyay magac bedelka Ciidanka Darawiishta Loona bixiyay magac cusub oo ay ku hawlgalaan oo ah (Booliska Gaarka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya).
Halkan Ka Daawo Sawiradda Maaanta