Daawo: Gollaha Badbaadada KGS Oo Garowe Kulla Shirey Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland

0
382

Garowe(INO)- Wafdi ka socdey Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed oo kala ah Gudoomiye ku xigeenada Golaha Badbaadada koonfur galbeed iyo Xogayaha Guud ee Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed oo kala ah Caasha Abuukar Qaasin , Idriss Cabdi Dhaqtar iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali Shukur) ayaa Maaanta Waxay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland kula shireen dhamaan dadka kasoo jeeda ama ku abtirsada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoo ka qaatey warbixino kusaabsan Tacadiyada la sheegayo  dadka barakacyaasha, dadka safarada kumara deegaanadaas  iyo dadka ganacsiga kuleh Magaalooyinka Putland , iyadoo ay goobta warbixinta ay joogtey wasiiro katirsan Maamulka Putland .

Gollaha Badbaadada Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa si wanaagsan u dhageystey xaaladaha Kajira Deegaanada Maamul Gobaleedka Putland , oo ay ka warbixinayeen odayaasha  kunool deegaanka  Putland ee ku abtirsada KG .

waxaa kaloo Goobtaasi ka hadley wasiirada Haweenka ee Maamul Gobaleedka Putland Anisa Maxamed Xaaji Aadan ayaa sheegtey  inay u dhaaratey Wadanka , ayna dhaarta ay dhaaratey ay fulin doonto kuna dhaqami doonto sidii loo sameyn lahaaa  Cadaalad iyo Sinaan bulshada ku nool Deegaanada Putland dhamaantooda .

waxaa kaloo ay sheegtey in maalinta Berito ah ay u sheegi doonto dhamaan wasiirada Maamulka Puntland oo shirkoodii Khamiislaha ay kaga hadli doonaan dhibaatooyin ay sheegeen dadka kasoo jeeda Koonfur galbeed , waxaa kaloo kulamo aan layeelan doonaa Wasiirada quseeya dhinaca Aminiga .

Ugu dambeyntii, Golaha Badbaadada ayaa waxaa Maalinta Berito ah la kulmayaa Madaxweynaha Maamulka Butland Cabdi weli , iyagoo maalmaha xiga ay Booqan doonaa Xabsiyada Maamul Gobaleedka Butland iyo Goobaha ay ku nool yihiin Barakacyaasha kasoo jeeda koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiro

0102

0405

0809

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here