Baydhabo(INO)- Gollaha badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxay manta Magaalada Baydhabo ka sameeyeen koox ciyaartooy ah oo ka kooban 22 dhalinyaro kuwaasoo Qaarkood u socodey sida la sheegey Tahriib, Dhalinyaradan ayaa waxaa loo furey Tababar ku saabsan Dhinaca Kubada cagta .
Xaflada Furitaanka Tababarka ayaa waxaa ka hadley Gudoomiye ku xigeenka Golaha Badbaadada KGS Idriss Cabdi Dhaqtar iyo xubin sare ee Gollaha Mustaf Sheik Mohamed oo kayimid Dalka UK .
Gollaha ayaa waxay u qeybiyeen Qalabka Kubadda Caggta, waxaana Macalin u ah Maxamed Macalin (Madhuuse) oo kamid ahaa Ciyaartooydii Hore ee u ciyaari jirtey Gobalka Bay .
Dhalinyaradan maanta loo furey Tababar kusaabsan kubada Cagta ayaa u socanaya mudo Bil ah , iyadoona dhalinyarada Qaaarkood ay ka baxeen Dugsiga Sare, kuwaasoo aysan haysanin waxbarasho.
Dhamaan xubnaha gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaalaga codsadey inay gacan qabtaan dhalinyarada caadeysatey inay tahriibaan.$350 ayaa la sheegey in qalabkan looga soo gadey , waxaana sida la sheegey ay soo dhiibeen Masuuliyiin ka tirsan Gollaha badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhalinyaradu waa mustaqbalka dalka qaarkoodu maheystaan inay sii wataan Waxbarashadooda heer Jaamacadeed Isla markaana waxa loo baahan yahay in niyada loo dhiso .
Si kastaba ha ahaatee, Dhalinyarada ayaa soo dhaweeyey Howsha loo qabtey iyo dhiirigilinta loo sameeyey iyo inay waxbartaan.
Ugu dambeyntii, Gudoomiye ku xigeenk Gollaha SSC ayaa sheegey inay ku dadaali doonaan sidey u heli lahaayeen Jaamacado iyadoona Magaalada Baydhabo ay joogaan dhalinyaro dhameystey dugsiga sare oo aan helin waxbarasho heer Jaamacdeed ama shaqooyin Waxa Qurbo joogta KGS in la taagyeero Dhalinta.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, Baydhabo