Daawo: Gobolada Koonfur Galbeed Somalia oo waayey saamigii ka qeybgalka Shirka Dib U dhiska Soomaaliya ee Brusells

0
273

Waxaa si toos ah loo shaaciyey ergada ka qeyb galeysa shirka dib u dhiska Soomaaliya ee bisha September 15keeda ka dhici doonta magaalada Brussels. Liiska ka qeybgalayaasha oo ka kooban 84 qof ayaa waxaa laga tagey gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo aan iyagu helin wax martiqaad ah haddey noqon laheyd aqoonyahanada, wargaradka iyo ururada bulshada.

Halkaan ka Furo si aan magacyada ka qeybgalayaasha shirka Dib U dhiska Dalka ee Brussells: New-Deal-Launch-Background-Talking-Points 4

newdeal

Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Beelaha Digil iyo Mirifle kaga hadleen ku tumashada awood qeybsiga: [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/AwoodQeybsiga.mp3]

Shir Jaraa’id oo ay qabteen odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle ayaa si aad ah u dhaliiley dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugu qeybisey gobolada iyo beelaha dalka oo haba yaraate aan la siisin mudnaan marka la eego sida ay Somaliland, Puntland, GalMudug, iyo Ururada Bulshada Magaalada Muqdisho ay u heleen tiro aad u badan oo dhinacyo kala duwan soo  galay.

Ka qeybgalka xubnaha dowlada ee Beelaha Digil iyo Mirifle ee liiska ku xusan ay la mid yihiin kuwa qabaa’ilka kale ee dowlada ku jira u heleen balse ay u sii dheer tahay in maamul ahaan iyo ururo bulsho ahaan loo tixgeliyey taasna ay tahay cadaalad darada ay beelaha Digil iyo Mirifle u soo jeedinaayaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Idale News Online Baydhabo