Daawo: Gaaska Puntland” Bakool Sare Dowlad Goboleed Ma Aanan Oran, Ee Cadaalada Halla Sugo”

0
212

Garowe(INO)- Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Max’ed Cali Gaas ayaa ka hadlay Maamul dhawaan looga dhawaaqay tuulooyin ku yaala Waqooyiga Gobolka Bakool ee kaasi oo ka soo horjeeda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Halkan Ka Daawo

Cabadi Wali Gaas waxaa uu sheegay in Puntland aysan dhihin maamulka Bakool sare waa maamul dhameystiran oo buuxiyay shuruudihii maamul Goboleedka ee ay kaliya dhahday Puntland dadkaasi xaqooda halla siiyo si caddaalad loo gaaro.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland ay Bakool sare kaga hadashay sidii ay uga hadashay Galmudug,kaliyana Puntland ay dooneyso in Dastuurka la waafajiyo Maamul Goboleedyada dhismaya ee Federaalka ka tirsan si uusan u imaan is qab qabsi ka dhex dhasha Dowlad Goboleedyada.

Waxaa uu Dowlad Gobaleedka  Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay Dadka si siman Caddaaladna wax ku qeybiyaan,kana ilaaliyaan beelaha dega halkaasi in ay hadda dib isu qab qabsadaan,iyaga oo isku heysta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here