Baydhabo(INO)— Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalintii shalay ka furay magaalada Baydhabo shirka dowladda Federaalka iyo maamulka Koofur Galbeed ee looga hadlayo dib u eegista Dastuurka.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in in dib u eegista arrimaha dastuurka uu yahay md aad muhiim u ah, isla markaana ay tahay wadada kaliya ee looga bixi kara dhibaatada loona heli karo Soomaaliya oo mid.
Waxaa uu cadeeyay in Koofur galbeed ay si buuxda u soo dh0weenayaan hanaanka dib u eegista arrimaha dastuurka.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in ujeedada uu ku saabsan yahay barnaamijkan uu yahay sidii aragtida shacabka loo uruurin lahaa, isla markaana loogu bandhigi lahaa shacabka, waxaana uu xusay in deegaanada maamul goboleedyada lagu qaban doono shirar kan la mid ah oo looga hadlayo dib u eegista dastuurka
Guddoomiyaha Guddiga Guddiga la socodka baarlamaanka Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim ayaa tilmaamtay cutubyada dib u eegista lagu sameeyay ilaa iyo hadda iyo wayaabaha dhiman, iyadoo xustay in shacabka laga tala gelin doono dib u eegistan.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Dahir Afrax ayaa tilmaamay muhiimada la tashiga bulshada ay leedahay, waxaana uu tilmaamay inay tahay saddex arrimood oo kala ah 1. warbixin 2. wacyi gekin 3. la tashi kuwaasoo laga maarmaan u ah helidda dastuur Soomaali leedahay loona dhan yahay.
Kulamo la tashi ahaa ayaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka waxay la yeesheen Ururada Haweenka, dhalinyarada, culumaa’udiinka, odayaasha iyo Xildhibaanada dowlad goboleedka Koofur Galbeed.