Daawo: Dowladda Sucuudiga Oo Sheegtay In Uu Soo Afjarmay Weeraradii Cirka Ee Dalka Yemen

0
210

Riyadh(INO)-Telefishanka dalka boqortooyada Sucuudiga ayaa xalay sheegay in dalalka isbahaysiga ee Sucuuidigu homuudka ka ahaa ay soo afjareen weeraradoodii cirka ee ay muddo bil ku dhow ay ka Wadeen dalka Yemen.

afhayeenka isbahaysiga sacuudiga

Telifishanka boqortooyadda Sucuudiga oo soo xiganayey warmurtiyeed ay wasaarada gaashaandhiga Sucuudiga soo saadhay ayaa waxa uu shee gay in joojinta weerarada cirka ay timi kadib markii madaxweynaha dalka Yemen Cabdi Rabo Mansuur uu Sucuudiga ka codsaday in la joojiyo weerarada cirka.

Waxaa warmurtiyeedkan ka soo baxa w asaaradda gaashaandhiga ee Sucuudiga lagu sheegay in weeraradii cirka ee ka Dhanka ka
ahaa Xuutiyiinta laga gaaray dhamaan ula jeedooyinkii laga Lahaa,waxaa sidoo kale lagu shee gay bayaankan in la bilaabay hawlgal cusub oo loogu magac daray dib u soo celinta Rajada kaas ooxoogga saari doona waan waanta siyaasadeed ee dalka Yemen iyo sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa mashaqada ka aloosan dalka Yemen,iyada oo hawlgalada ciidan ay ku sii so on doonaan heer ka hooseeya sidii hore.

QM ayaa waxa ay sheegtay in dad gaaraya 700 oo qof ay ku dhinteen weerara cirka iyo iska hor imaadyada u dhexeeya kooxaha dagaalamaya.

Idale News Online, Riyadh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here