Muqdisho(INO)- Garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa laga duuliyay 16 ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Ciidamadaan lama sheegin goobaha ay kusoo dhaawacmeen, hase ahaatee waxaa garoonka ku sii sagootiyey wasiirka gaanshaandhigga, wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed .
Wasiirka gaasshaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa sheegay in ciidamadan oo ka tirsan milateriga ay ku dhaawacmeen qaraxyo iyo dagaalo ka dhacay gobolada dalka, kuwaasi oo xaaladooda u baahan tahay in dibada wax looga soo qabto.