Daawo: Dowladda KGS iyo Jubba Oo Khilaaf Ba’an Ka Dhex Curtey+ Warmurtiyeed Ay Soo Saartey KGS

0
207

Baydhabo(INO)-Dowladda Koonfur Gabeed Soomaaliya ayaa Maanta Mowqif adag ka qaadatey, Dhismaha Xildhibaanada Baarlamanka jubba, isla  Markaaa waxa ay soo saartey warmutiyeed ay kaga soo horjeedo Baarlamanka Jubba.

Ugaas Xasan, wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Bulshadda  Ee Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegey in Baarlamanka jubba aan loo dhameyn isla markaana hal Qoys oo kaliye( Daarood) ay iska soo koobeen taaso Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si cid ugu soo horjeesatey, iyadoona Heshiis dhexyaaley labada maamulka Kaasoo dhigayey in labada maamul si siman ay ugu wada qiib galiyaan  bulshada Degaanadaasi hay’daha kala gedisan ee maamulka jubba.

Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay Soo saartey Warmurtiyeed ku saaban sida loo dhisey baarlamanka jubba, isla markaana waxay si cad uga soo horjeesatey Baarlamanka jubba Qaabka loo dhisey iyo heshiis ka bax uu sameyeey Axmed Madoobe.

  • Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay soo saartey 8 qodob oo ku saaban nooca iyo Qaabka Loo Dhisey Baarlamanka Jubba
  • Kimaayo waxa ka  dhacey Guud ahaan wax aysan u dhameyn  Umadda soomaaliyeed ama Beelaha Wada dega Gobolada Jubooyinka.
  • Baarlamanka la sheegay in loo sameeyey maamulka jubba , waxaan dareemeynaa inuu yahay baarlamank aan uwada dhameyn Beelaha Gobolkaasi.
  • Maadama aynu nahay dad  wada dega, aqoon iyo Cilmina usu leh in aysan ahayn baarlamanka jubaa mid ay u saman yihiin  Umadda soomaaliyeeda ee Wada Degta Jubba cadaaladna ku dhisneyn.
  • waxaan is leenahay halka Qoys inuu iska soo koobey Baarlamanka jubba oo Umadda soomaaliyeed ay wada lahayd.
  •  waxaan u soojeedineynaa Mas’uuliyiinta  Maamulka Jubba in ay ka dhigaan baarlamankaasi mid ay siman yihiin guud ahaan umadda Soomaaliyeed Ee wada degta Gobolada Jubooyinka.
  • Waxaan aaminsanahay in la jabiyey heshiiskii Dowlda KG Soomaaliya iyo Jubba oo  ahaa in Si siman  looga wada qiib galiyo Siyaasada beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan jubba iyo KGS.
  • Dowladda KG Soomaaliya  waxay u arkeysaa Dhismaha Baarlamanka jubba  in aysan u dhameyn beelaha wada gobolada Jubooyinka.

Dhan kale Xildhibaan Ibraahim isaaq Yarow Oo Ka Tirsan Mudnayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa  isna sheegey in maamulka jubba aysan ku dhisneyn  rabitaanka beelaha jubooyinka isla markaana uu ku dhisanaa  Heshiiskii Addis ababa,  bulshada degaanadaasina dhakada looga keeney isla markaana beelo lagaga tiro badan yahay jubooyinka ay iska soo koobeen Baarlamaka Jubba,

Ugu dambeyntii Xildhibaan ibraahim isaaq Yarow waxa uu baaq u direy mas’uuliyiinta maamulka jubba inay sameeyaan cadaalad u dhexeysa Bulshada Degaanada jubooyiinka isla markaana la dhowro cahdigii maamulka jubba iyo dowladda koonfur galbed soomaaliya.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here